Soomaaliya oo xaqiijisay in safaaradda Itoobiya ay ku sii sugnaan doonto Villa Soomaaliya iyadoo ay jirto xiisad diblomaasiyadeed.

0
35

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Safaaradda Itoobiya oo ku dhextaala Madaxtooyada Somaliya tan iyo sanadkii 2007, ay sii ahaan doonto xilligaan, inkastoo ay sii kordhayaan walaaca Dowladda Somaliya.

Itoobiya waxay safaaradeeda ka dhisatay Villa Soomaaliya ka dib markii ay faragelin ciidan ku samaysay Muqdisho December 2006 si ay u taageerto dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (TFG) ee ka dhanka ah kooxaha kacdoonka wada sida Midowga Maxkamadaha Islaamka (ICU).

Iyadoo dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn joogitaanka safaaradda ee dhismahan, haddana Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday in haddii hadda la raro safaaradda ay keeni karto saameyn diblomaasiyadeed, gaar ahaan safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya oo iyaduna ku taal meel aad muhiim u ah.

“Safaarada Itoobiya waxaa la dejiyay Madaxtooyada iyadoo ogolaansho laga siiyay madaxda Soomaaliya ee xiligaas, kadib markii ay Itoobiya soo faragalisay ciidamada sanadkii 2007, guuritaankooda hadda waxay ku xiran tahay xasilinta Soomaaliya, marka shuruuduhu ogoladaanna waxaa la farayaa dhammaan safaaradaha shisheeye inay guuraan. meelaha ay dowladdu u magacawday,” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in dawladda Somaliya ay ka fiirsanayso talaabooyin adag hadii Itoobiya ay joojin waydo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay maamulka la baxay Somaliland, kaas oo loo arkay inuu caqabad ku yahay madax-banaanida Soomaaliya. Hal tallaabo oo suurtagal ah ayaa ah ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya marka la gaaro 1-da Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here