Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kormeer ku tagey duleedka deegaanka Gerile oo hoostaga degmada Ceel-dheer ee gobolka Gal-guduud halkaas oo ay Ciidammada Xoogga Dalka ka sifeeyeen Argagixiso isku uruursanayey, iskuna uruursanayey keymahaas.
Wasiirka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sareeye Guuto Dayax Cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaasi oo uga warbixiyay howlgallada adag ee Al-Shabaab looga xoreynayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in howlgallada adag ee socda ay qeyb ka yihiin qorshaha nabad ilaalinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Deegaanka uu booqday wasiirka ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana ciidamada ay fashiliyeen weerar Al-shabaab soo qaaday, waxaana la sheegay in dhowr ka mid ah ay ka saareen.