Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo abaabulan oo deegaanka oo howlgalo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Galgaduud.

0
31

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa 21-aad ee xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawisley ayaa si wadajir ah howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadaan deegaano dhaca bariga gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug. .

Intii ay socdeen howlgallada adag ee wadajirka ah ayaa dowladdu waxay tilmaantay in ay ka xoreysay dhowr goobood oo muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen dagaalyahannada Al-shabaab balse hadda gacanta dowladda ku jira.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalada qorsheysan waxa ay sidoo kale soo qab qabteen dad looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada ‘AS’, waxaana ay wadaan baaritaano xoogan inkastoo aan la wadaagin tirada rasmiga ah ee ragaasi.

Howlgallada ka dhanka ah “AS” ee ka socda gobolka Galgaduud, gaar ahaan Bariga, ayaa maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka waxay guulo ka sheegteen howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi, waxayna ballan qaadeen in ay xoreyn doonaan deegaanada ay ku harsan yihiin.

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada gobolka iyo kuwa deegaanka loo yaqaan Macawisley ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan dalka, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta shacabka iyo soo celinta dowladnimada gobollada dalka laga xoreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here