Culimo lagu laayay deegaanka Labagaras ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

0
34

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay maleeshiyaadk hubeysan ka gaysteen duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maaulka hirshabeele kaas oo lagu beegsaday culimo akhrineysay Qur’aan oo la laayay sida ay warbaahinta u shegeen dad ku sugan goobta dhacdas ay ka dhacday.

Dhacdadaan ayaa uga sii dareysaya colaadda ka taagan halkaasi falkaan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Labagaras oo hoostaga magaalo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maleeshiyaad beeleedkas weerarka qaaday ayaa beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad akhrinayay Qu r’aan oo ku sugnaa halkaasi, waxayna u gaysteen dil iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan argagaxa leh ku dhintay ugu yaraan 5 qof halka lagu dhaawacay 8 kale waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi.

Wararka qaar ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka weerarkan gaystay ay u aarayeen dad horay looga dilay waxaana arrintan uga sii dareysa xiisadda ka taagan aagga Cadale.

Labadaan beeleed ee dilalka isku gaysanayo ayaa waxaa horay gogol nabadeed loogu dhigay deegaanka Burka Dirimeed, halkaas oo lagu gaaray heshiis nabadeed oo uu goobjooga ahaa madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

xaaladda ayaa u muuqata inay hadda faraha kasii baxday isla markaana uu burburay heshiiskii, maadaama dilal iyo dagaallo ay dib uga dhaceen duleedka Cadale.

Dhowaan ayay ahayd markii isla aaggan uu uga dhacay dagaal beeleed lagu dilay saddex qof laguna dhaawacay saddex kale kaas oo saameyn ku yeeshay deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here