Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Cabdullaahi Cabdulqadir Aadam Qaanuuni, oo ay wehelinayaan Agaasimaha Waaxda Xabsiyada ee Wasaaradda, Sharmarke Abshir Mohamed, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Jubbaland, Maxamed Caaqib Xirsi, ayaa maanta magaalada Kismaayo tababar uga furay qaar ka mid ah ciidanka Asluubta Jubbaland.
Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona ilaa 30 askari oo ka tirsan ciidanka Asluubta Dowlada Jubbaland,