Xildhibaanada Federaalka ee kasoo jeeda SSC-Khaatumo oo diiday in lagu casuumo shirka Puntland iyagoo ku sababeeyay inay ka madax banaan yihiin.

0
33

Muqdisho (KAAB TV) –  Xildhibaanada Federaalka ee ka soo jeeda Maamulka SSC-Khaatumo ayaa diiday in ay ka qeybgalaan shir ka dhici lahaa Garoowe, kaasi oo hogaamiyaha Puntland Siciid Deni uu ku casuumay Xildhibaanada Federaalka ee kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanada kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn ee loo yaqaan SSC-Khaatumo ay mar kale ku celiyeen ixtiraamka go’aankii odayaasha SSC ee February 2023, iyagoo ku dhawaaqay in SSC-Khaatumo ay tahay maamul ka madax banaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo mar ay saaxiibo dhow ahaayeen Madaxweyne Deni, horayna u soo noqday Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa ku nuux-nuux saday inaanu ka qayb geli doonin shirka wadatashiga ah ee ka dhacaya Garoowe, isagoo caddeeyay inuu aqoonsan yahay gooni isu taagga SSC-Khaatumo.

Diidmadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dawladda Faderaalka. Maamulka Puntland ayaa wadatashiyo ku casuumay xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay deegaannadooda, iyadoo la qorsheeyay in magaalada Garoowe uu ka dhaco fadhi looga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee sii kordhaya.

Puntland oo 37 xildhibaan ku leh baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda gobollada SSC-Khaatumo ayaa wajahaya caqabado hor leh maadaama ay SSC-Khaatumo hadda ku dhawaaqday inay ka go’day Puntland.

Bishii Abriil 2024, Puntland, oo ah gobol qani ku ah saliidda, maamul-goboleedka, ayaa ku dhawaaqday inay si madax-bannaan uga shaqeyn doonto Soomaaliya ilaa dastuurka federaalka dib u eegis lagu sameeyo oo lagu ansixiyo afti qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here