120 qoys oo abaaro ku barakiciyey meel u dhow magaalada Baydhabo.

0
7

Jinaay Isaaq Xasan waxa ay nolosheeda ku qaadatay tuulada yar ee Mintaanyo iyada oo ku xannaanaysa beerteedii oo dhan lix hektar, carruurteedana ku korisay. Laakiin horraantii sanadkan, wax walba way isbedeleen. Roobabkii ay ahayd inuu da’o weligood ma iman, dalaggeedii-masago, sisinta, tamaandhada, gallayda iyo digirtaba—ay ku engegeen cadceed aad u kulul. Hadda, Jinaay iyo 11 carruur ah oo ay dhashay oo agoon ah ayaa ka mid ah 120 qoys oo u qaxay duleedka magaalada Baydhabo iyagoo naf la caariday.

“Cunno ma haysanno, biyo ma haysanno, beerteenna way naga dhammaatay,” ayay tiri Jinay, 57-jir ah, oo Baydhabo soo gaaray 10-kii Juun ka dib markii uu socday laba maalmood. Waxay subax walba shaqo ka raadisaa beeraha u dhow, iyadoo maalintii oo dhan ka hesha 40,000 oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta 1.60 Doolar. Way ku yar tahay inay siiso hal cunto qoyskeeda weyn.

Xili roobaadkii Gu’ga ee sanadkan ayaa ahaa mid aad u yar, dhibaato badanna u geystay dalagyadii kasoo go’ay gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya. Deegaanka Mintaanyo oo 20 kiilo mitir dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa qoysasku waxay ku beerteen khudaar iyo miro rajo wanaagsan laga qabay Balse waxa meesha ka baxay noloshoodii. Jinay, oo rajaynaysay in ay ka hesho dalaggeeda lacag dhan $500, hadda waxa ay wajahday xaqiiqada xun ee gaajada iyo barakaca markii ugu horreysay muddo 30 sano ah.
Qoysaska sida Jinay oo kale, barakicintu ma ahan oo kaliya dhibaato jireed balse sidoo kale waa dhaawac nafsi ah. Lix ka mid ah carruurteeda ayaa ku jiray iskuul ku yaal tuulada, laakiin hadda waxay wajahayaan mustaqbal aan la hubin. “Markii aan ku noolaan jirnay tuulada, carruurtaydu way wax baran karaan. Hadda iskuul ma haystaan, waxbarasho ma haystaan,” ayay tiri.

C/qaadir Maxamed Cali oo isna ka mid ah beeralayda Mintaanyo, ayaa isna sidaas oo kale la wadaaga. Waxa uu u cararay isla kaamka u dhow Baydhabo isaga iyo qoyskiisa oo ka koobnaa shan qof, isaga oo doonaya xaalad wanaagsan. Laakiin nolosha halkan, sidoo kale, waa mid adag. Waxay ku noolaadaan hal cunto maalintii, inta badan waxaa bixiya derisyada kuwaas oo wax yar ka roon.

“Waxaan u maleynayay inaan halkan ka heli doono nolol ka wanaagsan, laakiin waxaan ku noolnahay maalinba maalinta ka dambeysa, haddii aan maanta wax cunno, waxaa laga yaabaa inaan berri wax cunin,” ayuu yiri C/qaadir. Beertiisa oo ka kooban afar hiktar oo ay ugu horreyso khudaarta, ayaa sidoo kale ku fashilantay roob la’aanta awgeed.

Sida qaar badan oo kaamka ku jira, Cabdiqadar wuxuu la halgamayaa sidii uu shaqo uga heli lahaa Baydhabo, oo 4 KM oo keliya u jirta. Inkastoo dadaallo soo noq-noqday, ma uusan awoodin inuu helo shaqo. “Ma haysto xirfadaha ay uga baahan yihiin magaalada,” ayuu sharaxay, niyad jabkiisa waa cad yahay. “Abaartu waxay baabi’isay wax walba – dalaggayadii, rajadayadii.”

Dhibaatadu waxay dhaaftay cunto yaraan. Biyaha, oo ah kheyraad aad ugu yar xerada, ayaa laga soo dhaansadaa ceel 2 kilomitir u jira. Biyaha ayaa ah kuwo wasakh ah, qoysaskana waxaa laga qaadaa lacag dhan 2,000 oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta 0.08 doolar halkii jiiraanka. Qaar badan ma awoodaan. Markay lacag bixin waayaan, la’aan bay tagaan.

Sida uu sheegay Mustaf Maxamed Xasan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga xeradaasi, waxaa maalin walba yimaada qoysas cusub, kuwaas oo intooda badan ay ku sugan yihiin xaalad nolol xumo. “Dadkani waxay imaanayaan iyaga oo aan haysan wax-cunto ah, ma jiraan wax sahay ah. Xaaladdoodu aad ayay uga sii daraysaa maalin walba,” Mustaf ayaa sidaas yidhi.

Sanad walba, abaaro iyo colaado ayaa kumanaan qoys oo beeraley iyo xoolo-dhaqato ah oo ku nool dowlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ay isaga tagaan guryahoodii oo ay gabaad ka dhigtaan xeryaha. Markay halkaas joogaan, waxay la kulmaan xaalado ciriiri ah, dhaqaale yaraan, iyo hawl adag oo ah dib u dhiska noloshooda oo taageero yar.

Qoysaska ay ka midka yihiin Jinaay iyo reer Cabdiqadar, mustaqbalka lama hubo. Iyadoo roobabku ay sii di’ayaan, dhulkuna uu yahay engegan, ayaa waxa ay ku dheggan yihiin rajada ah in gargaarku iman doono inta aanay gooridin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here