Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Galgaduud ku dilay 12 ka tirsan Al-Shabaab, 12 kalena waa ay dhaawaceen, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya .
Howlgalka ayaa waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Gerile oo ku yaalla gudaha degmada Ceeldheer,halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay weeraro.
Warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu xaqiijiyay guulihii laga gaaray howlgalkaasi, waxaana lagu yiri “12 dhagar-qabayaal ayaa lagu dilay 22 kalena waa lagu dhaawacay howlgal maanta ay ciidamadu ka sameeyeen dhulka howdka ah ee ku teedsan deegaanka Gerile ee bariga gobolka Galgaduud.
Labadii todobaad ee la soo dhaafay ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug waxaa ay ku dileen in ka badan 95 maleeshiyo. Horaantii bishan, in ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab ayaa sidoo kale la dilay, taasoo tirada guud ee maleeshiyada laga saaray ka dhigaysa 254 howlgalladii October.