Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud.

0
31

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgalo culus oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay maanta ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaasi oo la sheegay in khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Howlgallada oo ahaa mid adag oo u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa waxaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka sameeyeen dhulka howdka ah ee duleedka deegaanka Geriile ee Bariga Gobolkaasi.

War kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 12 ka tirsan Al-Shabaab, laguna dhaawacay 22 kale oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB waxay meesha ka saareen 12 ka tirsan Al-Shabaab halka 22 kale ay ku dhaawacmeen howlgalo qorsheysan oo ay ciidamadu ka fuliyeen dhulka howdka ah ee duleedka deegaanka Geriile oo hoostaga degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnaha la dilay ay ahaayeen kooxo nabad-diidka ah oo ay ku raad-joogeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, laguna guuleystay in la ciribtiro kaddib howlgallo qorsheysan.

“Howlgalkan waxaa loola dan lahaa in lagu raad-joogo haraadiga maleeshiyaadka argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah ee gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xaalada deegaanka ayaa haatan kacsan, mana jirto ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku aadan howlgallada ay ciidamadu sheegeen in lagu guuleystay.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday howlgallo xooggan oo qorsheysan oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawisley.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si Al-Shabaab looga sifeeyo deegaanada ay kaga harsan yihiin dalka.11

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here