Saxafiyad qurba-joog aheyd oo lagu dilay beer ay ku laheyd degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

0
32

Amuun Cabdullahi oo aheyd saxafiyad Soomaaliyeed oo tobanaan sano ku nooleyd dalka Sweden  balse sannadihi u danbeeyay dalka daganeyd ayaa todobaadkaan lagu dilay beer ay ku laheyd meel u dhaw degmada Afgooye  ee gobolka shabeelaha hoose   .

Sida aan wararka ku helnay laba nin oo wajiyada soo duubtay ayaa Amuun ku dhex dilay beer ay iyadu laheyd Wali lama oga sababta loo dilay iyo cidda ka danbeysay.
Maxaan ka naqaana Amuun?
Wariye Axmed Idawaqaca oo kamid ah dadka sida dhow u yaqaanay sanadaha badan ayaa sheegay in AUN Amuun ay muddo ka shaqeynaysay raadiyaha Sweden qeybta Af-Soomaaliga, oo ay ka gaartay illaa maamule.
Sidoo kale waxay kusoo shaqeysay turjumaan, maadaama ay muddo deganayd Sweden ayna si fiican u taqaanay Swedishka, iyada oo waxbarashada illaa heer jaamacadeed ka gaartay.
“Waxay go’aansatay inay ku laabato waddanka  halkaas oo guri ka iibsatay kadib Afgooye ayey u wareegtay oo beero ayay ka sameysatay, ceelal ayay halkaas ka qoday.” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Dad ayaa halkaas ka shaqeynayay oo mushaar loo qoray, dad kale ayay gacan ku haysay, oo mashaariic horumarineed oo dowladdo la rabay inay sameeyaan ayey halkaas ka hirgelisay.”
Amuun ayaa lagu sifeeyay gabar dadaal badan oo karti badan  ugu yaraana laba jeer ay hay’addo caalami ah ku abaal-mariyeen mihnadeeda saxaafada ee mudada dheer kasoo shaqeynaysay.
Allaha u naxariistee Amuun ayaa hamigeeda uu ahaa inay Soomaaliya ka hirgeliso mashaariic ay ugu weyn tahay beerta lagu dhex dilay toddobaadkan sida ay sheegeen dadka u dhow-dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here