Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo Muqdisho soo gaaray si ay u soo dhaweeyaan markabka cilmi baarista tamarta.

0
33

Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga, Muusa Heybet ayaa maanta oo Khamiis ah soo gaaray magaalada Muqdisho si ay u kormeeraan imaanshaha markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu wado in uu sahamin ka sameeyo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Fatxudin Ospite, ayaa sidoo kale soo gaaray munaasabadda lagu soo dhaweynayo markabka laga leeyahay dalka Turkiga, kaasi oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka dhaco dekadda Muqdisho.

Sahanka seismic-ka ayaa waxaa fulin doona markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, kaas oo tan iyo 2017-kii u ahaa hanti muhiim u ah Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (oo hore u ahaan jiray Twitter) ku xaqiijiyay in markabkan uu hadda ka sameyn doono howlo dhul-badeed ah oo ku yaalla saddex goobood oo shati loo siiyay oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo midkiiba uu gaarayo 5,000 oo kiilo mitir oo laba jibaaran (1,930 square miles).

Erdogan ayaa rajo ka muujiyay, isaga oo sheegay in gobolka, oo muddo dheer lala xiriiriyay iskahorimaadka, “hadda loo aqoonsan doono horumarinta dhaqaalaha, barwaaqada, iyo nabadda ka dib markii Oruc Reis ‘helitaankiisa.”

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah heshiis bishii March ay kala saxiixdeen Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Wasiir ku xigeenka Heybet uga tacsiyadeeyay muwaadiniintii Turkiga ee ku dhintay weerar dhawaan ka dhacay magaalada Ankara.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay si buuxda ula wadaagayaan Turkiga xanuunka iyo murugada ka dhalatay weerarkaasi” ayuu yiri Wasiir C/risaaq Cumar.

Weerarkii lagu qaaday xarunta shirkadda Turkish Aerospace Industries (TUSAS) oo ku taalla duleedka magaalada Ankara, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, iyadoo 22 kalena ay ku dhaawacmeen. Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya, ayaa xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay labo nin oo weerarka soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here