Dalabka istaraatiijiga ah ee Itoobiya ku doonayso in ay saldhig ku yeelato badda cas ayaa sii xoojinaysa xiisadaha gobolka ee Geeska Afrika, taas oo dhalisay is jiid jiid ka dhex qarxa Itoobiya, Jabuuti, Masar iyo Soomaaliya oo wax ka beddeli kara siyaasadda gobolka.
Gacan ku haynta badda cas ayaa ah xudunta loolanka awoodeed ee gobolka.
Khilaafkan sii xoogaysanaya ayaa udub dhexaad u ah heshiiska dekedda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland—waa halbowle u ah nolosha qarankan aan bad lahayn, kaas oo yarayn kara ku tiirsanaanta dhaqaale ee ay ku leedahay Djibouti, halkaas oo ku dhawaad dhammaan ganacsiga badda ee Itoobiya uu ka socdo. Iyada oo Itoobiya u janjeerto dhinaca Somaliland, waxay halis ugu jirtaa inay furfurto xidhiidhkii dhaqaale ee ay muddada dheer la lahayd Jabuuti, kana kiciso Soomaaliya iyo Masar.
Heshiiska, oo la saxeexay bishii January, ayaa Itoobiya siinaya fursad weyn oo ay ku hesho kaabayaasha dekedaha Somaliland si ay Itoobiya u aqoonsato madax-bannaanida Somaliland—tallaabadan Addis Ababa waxay ku tilmaantay “xuquuda dabiiciga ah”. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay dalkiisa u leedahay marin-u-helidda badda, isagoo xitaa soo jeediyay in Itoobiya ay awood u adeegsan doonto inay difaacdo marin-u-heliddan haddii loo baahdo.
Si kastaba ha ahaatee, heshiisku wuxuu ku yimaadaa kharash. Soomaaliya oo u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa cambaaraysay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah, isla markaana hurinaysa xasarad diblomaasiyadeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqday in ay xoojiso xulafada ay la leedahay Masar iyo Ereteriya, iyada oo isu taagtay in ay difaac u noqoto damaca Itoobiya ee sii kordhaya.
Iyada oo laga jawaabayo heshiiska Itoobiya, Masar, Ereteriya, iyo Soomaaliya waxay dejiyeen isbahaysi saddex geesood ah oo ka dhan ah Itoobiya intii lagu jiray shir madaxeedkii Asmara, Eritrea, Oktoobar 2024. Saddexda waddan waxay ku heshiiyeen in la isku duwo dadaallada militari iyo diblomaasiyadeed si looga hortago saameynta Itoobiya iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya. .
Dhanka Masar, isbahaysigani kuma saabsana Soomaaliya oo keliya—waa ku saabsan ilaalinta awoodda badda cas, marin biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah iyo nolosha kanaalka Suweys.
Masar ayaa in muddo ah u aragta Itoobiya mid ka soo horjeeda gobolka, gaar ahaan ka dib dhismihii biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), kaas oo Masar ay ka cabsi qabto in ay xaddiddo awoodda ay ku leedahay biyaha Niilka. Damaca Itoobiya ee ah in la sameeyo joogitaan badeed oo badda cas ah ayaa soo kordhisay xafiiltankan lakab kale, taas oo khatar gelinaysa danaha istiraatijiyadeed ee Masar ee gobolka.
Jawaabta ay Soomaaliya ka bixisay awoodda sii kordheysa ee Itoobiya waxay noqotay mid diblomaasiyadeed iyo mid ciidanba. Bishii Agoosto 2024, Soomaaliya waxay heshiis difaac ah la gashay Masar, taasoo dardargelinaysa dhismaheeda ciidan. Ciidamada Masar ayaa tan iyo markii ay yimaadeen Muqdisho, shixnado badan oo hub ah oo ay ku jiraan diyaaradaha iyo hubka lidka taangiyada — ayaa xoojiyay awoodda difaaca Soomaaliya. In kasta oo hubkan sida la moodo loogu talo galay dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, haddana dabeecaddooda culculus waxay muujinaysaa in sidoo kale loogu talagalay iska-hor-imaadyo ciidan oo ballaadhan.