Wadada dheer ee xariirisa magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan oo mar kalle dib loo dhigay.

0
33

Wadada dheer ee xariirisa magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan ayaa mar kalle dib loo dhigay qaar ka mid ah isbaarooyinkii uu huray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Deegaanka Qowlad ee hoostagta degmada Baladweyne ayaa shalay lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda soomaaliya Shariif Cali Raage oo ka howlgalayay gobalka Hiiraan.

Dilka askigaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo deegaankaas ay u taalo isbaaro Waxaana dhaawac fudud uu soo gaaray darawal gaari.

Dilka askariga iyo dhaawaca gaaray darawalka ayaa yimid ka dib markii la rasaaseeyay gaari uu saarnaa askiga geeriyooday xaalada goobta uu dilka ka dhacay ayaa hadda degan waxaana meydka marxuumka la keenay magaalada Baladweyne.

Duleedka Baladweyne ayaa horay Intooda badan La qaaday isbaarooyin badan taas oo dadka magaaladda baladweyne ay soo dhaweeyeen.

xiisad ka dhalay dilkii shalay ka dhacay Deegaanka Qowlad ee hoostagta degmada Baladweyne ayaa maanta ka taagan gudaha magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here