Xiisad u dhaxeysa ciidamo deegaanka ah iyo Ciidamada Koonfur Galbeed oo ka taagan deegaanka Yaaqbariweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

0
30

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta xiisad colaadeed ay ka taagan tahay deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolkaasi oo dhawaan ay ku dagaalameen maleeshiyaad hubeysan iyo ciidamada Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo laga helayo deegaanka Yaaqbariweyne ayaa sheegaya in xaaladda deegaankaasi ay hadda tahay mid aad u kacsan waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya ciidamada Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyaad hubeysan.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa qorsheynaya inay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Yaaqbariweyne oo inta badan deegaanadeeda ay hadda gacanta ku hayaan maleeshiyaad hubeysan.

Labo maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan ay ku dagaalameen deegaankaasi waxaana la sheegay in iska horimaadkaasi uu geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Yaaqbari weyne ayaa la sheegay inuu salka ku hayo lacago canshuur ah oo ay ka qaadaan dadka deegaanka oo maleeshiyaad hubeysan ay ka qaadaan deegaankaasi iyadoo ciidamada Koonfur Galbeed ay ka soo horjeedaan lacagaha ay maleeshiyaadka hubeysan ka qaadaan dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here