Booliska Soomaaliya oo magaalada Muqdisho kusoo bandhigay eedeysanayaal lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo.

0
26

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxa ay ku soo bandhigeen saddex nin oo lagu eedeeyay in ay xadeen xoolo, sida uu shaaciyay taliska booliiska gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin Shabakad ka shaqeysa xatooyada Xoolaha, gaar ahaan Ariga, kuwaasi oo u adeegsada Gaadiidka Raaxada ee dhaca.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Wadajir waxay gacanta ku soo dhigeen Saddex Eedeysane oo lagu soo eedeyay inay xadeen Xoolo, gaar ahaan Ari,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Xariga raggan ayaa daba socda muuqaalo ay duubeen kaamirada CCTV oo todobaadkii hore lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoo gacanta lagu dhigay saddex nin oo xaday neef ari ah oo gaari kula baxsaday mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho. Muuqaalkan ayaa dhaliyay walaac dadweyne, taasoo ku kaliftay maamulka maxalliga ah inay qaadaan tallaabo degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here