Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan oo 4 qof oo ganacsato ah ku dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

0
25

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil fool xun oo shalay loo geystay afar dhalinyaro ah oo ka ganacsanayay dukaamo ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow afarta nin ee dhalinyarada ah ayaa ku sugnaa goobtooda ganacsi, waxaana toogtay rag bastoolado ku hubeysan, waxaana ay u dileen qaab qorsheysan.

Saddex ka mid ah ayaa la sheegay in isla goobta ay ku geeriyoodeen, halka qofka afaraad oo dhaawac halis ah uu soo gaaray loola cararay xarunta caafimaadka, waxaana la sheegay in uu u dhintay dawo.

Laamaha ammaanka ayaa gaaray goobta ganacsiga ee lagu dilay saddexda ruux ee ganacsatada ah, waxaana ay wadaan howlgalo adag oo lagu soo qabanayo raggii hubeysnaa ee dilka geystay.

Wararka ayaa sheegaya in dilka dhalinyaradan ganacsatada ah uu la xiriiro in dukaamadooda lagu xiray Kaamirooyinka CCTV oo dowladda ay ku amartay in lagu xiro goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintaasi si weyn uga soo horjeeda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa rumeysan in xirida Kaamirooyinkaasi ay hoos u dhigeen shaqooyinkii ay ka qaban jireen goobaha ganacsiga, waxaana ay hoos u dhigtay lacagihii laga qaadi jiray suuqyada waaweyn, sidaasi darteedna sida ay wararku sheegayaan ay balan qaadeen inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo u hoggaansata amarka dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn ugu soo badanayay beegsiga goobaha ganacsiga ee ku xiran Kaamirooyinka CCTV-ga ee dowladda ay dalbato, waxaana xusid mudan in kaamirooyinkaasi darteed loo dilay dad ganacsato ah, iyadoo tobanaan qof lagu dilay. dadka, oo u badan rag dhallinyaro ah.

Todobaadkii hore ilaa shan qof ayaa la sheegay in si isku mid ah loo dilay oo ay beegsadeen dabley aan heybtooda la garaneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here