Dagaal culus oo ka dhacay Koonfurta Mudug.

0
29

Iska horimaad culus ayaa ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta Mudug, halkaasi oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalameen maleeshiyada Al-Shabaab. Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii ciidamada dowladda oo ay wehlinayeen dadka deegaanka ay weerar jihooyin badan leh ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Saraakiisha ciidamada ayaa tilmaamay in howlgalka oo socday lagu burburiyay dhowr goobood oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ku dhawaaqay guulo la taaban karo oo laga gaaray maleeshiyada, isagoo sheegay in la burburiyay fariisimo istiraatiiji ah oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, ayaa hadana waxaa la soo sheegayaa in labada dhinac uu soo kala gaaray khasaarooyin kala duwan. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ballan qaaday in ay shacabka la socodsiin doonto hadba wixii soo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here