Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay inaanay Somaliland ka laaban doonin fulinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la saxeexatay Itoobiya, inkasta oo ay jiraan mucaarad iyo cadaadis kaga imanaya dhinacyada dibadda.
Madaxweynaha oo wareysi siinayay BBC-da ayaa yiri “Wax iska bedelay ma jiraan; sidii ay ahaan jirtay ayay ahaanaysaa.” Biixi, oo hoggaaminaya dawladda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida, ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi, “Qof walba waxa uu sugayaa marka la dhammaystiro dukumentiga hawlgelinta.”
Biixi ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu sii xoogeysanayo diidmada heshiiska, isagoo yiri “Xasan Sheekh wuxuu bilaabay olole ka dhan ah Itoobiya”. Waxa uu ku nuux-nuux saday in heshiiskaas uu ahaa mid u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, balse aanu la gelin dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.
“Waxaynu ahayn laba dal oo kala madaxbannaan, laba dawladood, muddo 34 sannadood ah. Qof kastaa wuu ogyahay tan,” ayuu yidhi Biixi, isagoo ku celceliyay sheegashada madax-banaanida Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in heshiiskaas ka dib uu sii hurinayo xiisadda gobolka, isaga oo ku andacoonaya in “dagaal la qorsheeyay” iyo in faragelinta Masar ay xaaladda cakirtay. Waxa uu si gaar ah u soo qaatay heshiiskii iskaashiga milatari ee ay dhawaan wada gaadheen Soomaaliya iyo Masar, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa isku day lagu doonayo in lagu cabudhiyo rabitaanka madaxbanaanida shacabka Somaliland.
Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee Itoobiya iyo Somaliland, oo la kala saxeexday horraantii January 2024, ayaa ujeeddadiisu tahay in Itoobiya la siiyo marin badeed oo ay ku beddelato aqoonsiga Somaliland. Toban bilood ka dib markii la saxiixay, MoU ayaa weli sugaya dhaqangelinta.
Bishii Febraayo, Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay “socoto iyada oo aan laga leexleexan, oo ay weli gacanta ku hayso” fulinta heshiiskii is-afgaradka, iyada oo magacawday koox farsamo, koox khubaro sharci oo caalami ah, iyo koox la-talin heer sare ah oo hagta geeddi-socodka.
Bishii Sebtembar, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Essa Kayd, ayaa ku wargeliyay ergada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee Hargeysa in is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya “uu dhammaaday, heshiis sharci oo rasmi ahna uu soo dhow yahay.” Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa inta badan ka aamustay wax kasta oo horumar ah oo la taaban karo oo laga gaaray Is-afgaradka.
Soomaaliya ayaa bilowgiiba ka soo horjeesatay heshiiskii is-afgaradka ahaa, taasoo cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Soomaaliya waxay xoojisay xidhiidhka ay la leedahay Itoobiya, gaar ahaan Masar iyo Ereteriya, taasoo dadka wax indha-indheeya ku tilmaameen “ dhidib ka dhan ah Itoobiya” si ay Itoobiya ugu cadaadiyaan inay dib u eegis ku sameeyaan mawqifkeeda ku aaddan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Somaliland la saxeexatay.
Isaga oo ka hadlaya wakhtiga fulinta, Biixi waxa uu dib u dhaca ku sababeeyay hannaanka dublamaasiyadeed ee caadiga ah ee aan ahayn cadaadis dibadda ah, isaga oo xusay in “heshiisyada caalamiga ahi ay inta badan qaataan sannado badan in la fuliyo.”
Biixi ayaa meesha ka saaray dhaleeceynta Soomaaliya ee heshiiska Itoobiya, isagoo tilmaamay xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ee jira. “Soomaali badan ayaa ku nool Itoobiya, waxayna xitaa xilal ka hayaan dowladda dhexdeeda. Haddaba maxay Soomaaliya noogu eedaynaysaa in aanu Itoobiya heshiis la galnay? ayuu yiri.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Masar ay Soomaaliya uga faa’ideysaneyso khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya ee ku saabsan wabiga Niil. “Saax maaha inay Soomaaliya u soo jiidaan colaadda gobolka, iyagoo u arkaya inay leeyihiin dhibaatooyin iyaga u gaar ah,” ayuu yidhi Biixi, isagoo soo jeediyay in heshiiska milateri ee Masar ay la gashay Soomaaliya uu dhaafsiisan yahay muranka webiga Niil si toos ah loogu beegsado Somaliland.
“Fikirka ayaa ah in Masar loo isticmaalo in lala saxiixdo heshiis amni, ka dibna loo isticmaalo iyaga oo ka dhan ah Somaliland,” ayuu yidhi Biixi, isagoo intaas ku daray “Masar waxay leedahay dhibaatooyin iyada u gaar ah mana ka faa’iidaysan doonto xaaladdan.”
Biixi, oo doonaya in dib loo doorto Noofambar 2024, ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu wadahadal la galo Soomaaliya, waase haddii la aqoonsanayo madax-bannaanida Somaliland sheegtay. “Haddii Madaxweyne Xasan uu garwaaqsado inaan nahay labo dowladood oo kala duwan oo uu danaynayo inuu nala hadlo, taasi way fiicnaan lahayd,” ayuu yiri.