Doorka Soomaaliya ee baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo kor u kacaya iyadoo la magacaabayo hoggaan.

0
25

Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow farriin ka guddoomay Maxamed Axmed Al Yamaxi oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo la soo dhigay bogga rasmiga ah ee Aqalka Sare ee Baraha Bulshada, dhambaalka waxaa ka mid ahaa hambalyo ku aaddan doorkii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku taageeray Senator Cabdixakiim Maalin Axmed in uu helo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Carabta.

“Mudane Guddoomiye, waxaan jeclaan lahaa inaan fursaddan dahabiga ah uga faa’ideysto inaan caddeeyo sida ay iga go’an tahay inaan xoojinno aasaaska adag ee wadashaqeynta Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Carabta si aan si wadajir ah ugu adeegno arrimaha qaran ee ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta. “Fariinta Guddoomiye Xaashi ayaa sidan u qornayd

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah xubin fir fircoon oo ka tirsan Baarlamaanka Carabta, waxaana dhawaanahan jiray wadashaqeyn xooggan oo ka dhaxeysa labada hay’adood ee sharci dejinta. Xubnaha labada dhinac ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeynaya sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta iyo isku xirka Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here