Saraakiil ka tirsan Milliteriga Maraykanka oo Booqday Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Somalia si loo xoojiyo Ammaanka Badda.

0
26

Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa booqday xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Xeebaha Muqdisho, si ay u xoojiyaan wada shaqeynta iyo xoojinta dadaallada amniga badda Soomaaliya. Kulankan oo uu agaasimay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa muujinaya dadaallada socda ee ay wadaan labada dowladood ee lagu dhisayo awoodda amniga badda oo ay hormuud ka tahay Soomaaliya.

Intii ay booqashada ku guda jirtay, mas’uuliyiintu waxay diiradda saareen tallaabooyinka iskaashiga ah ee looga gol leeyahay in lagu horumariyo awoodda hawl-galka ee Ilaalada Xeebaha Soomaaliya. Qeybtaani waxay door muhiim ah ka ciyaartaa ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta xeebaha Soomaaliya, la dagaallanka falalka sharci darrada ah sida ka ganacsiga daroogada, argagixisada, iyo kalluumeysiga aan sharciyeysneyn, kuwaas oo khatar ku ah amniga gobolka iyo nolosha bulshooyinka xeebaha Soomaaliyeed.

Taageerada ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ay u leedahay inay sugaan baddeeda, kuwaasoo u nugul burcad-badeednimada iyo tahriibinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here