Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya oo taageeray Qorshaha Hal Qof iyo Codka ah ee Villa Somalia.

0
28

Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya, haddana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa soo saaray qoraal uu ku taageerayo qorshaha doorashada hal qof iyo hal cod ee dowladda Soomaaliya, kaasoo uu hormuud ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qorshahan oo looga gol leeyahay in lagu sameeyo codbixin toos ah doorashooyinka mustaqbalka, ayaa dhaliyay doodo siyaasadeed oo muhiim ah.

Qoraalkiisa, ayuu Wasiir Islow ku muujiyay taageerada xooggan ee uu u hayo madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna soo dhaweeyay aragtidiisa ku aaddan in Soomaaliya lagu hormariyo doorasho caalami ah. Waxa uu ugu baaqay muwaadiniinta inay taageeraan dawladooda, isagoo ku nuux-nuux saday in fikradda ah “hal qof iyo hal cod” aanay noqon mid ay ku muransan yihiin siyaasiyiinta ama sabab u ah kala qaybsanaanta mucaaradka iyo taageerayaasha.

“Waxaan aaminsanahay in ‘doorasho hal qof iyo hal cod ah’ aanay ahayn wax ay tahay in aynu ka doodno ama u qaybsano mucaarad iyo dawlado. Waa inaan dhammaanteen taageernaa dadaalkan si dadku ay si toos ah u doortaan hoggaankooda,” ayuu yiri Islow.

Wasiir Islow ayaa sidoo kale ka hadlay siyaasiyiinta ka soo horjeeda go’aanka dowladda, isagoo rajo xumo ka muujiyay in qaarkood ay u dhaqmaan sidii wareegtada doorashada soo socota, ee loo qorsheeyay 2026-ka.

“Waxaan u arkaa wax lala yaabo, iyadoo sannad iyo badh ay ka harsan tahay muddada xukuumadda, waxaan horay u aragnaa siyaasiyiin iyo musharixiin hore oo u dhaqmaya sidii 2026,” ayuu yidhi.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxa uu u arko in ay ku soo noq-noqdaan is-hortaag siyaasadeed oo ka jira Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray “Waxaad mooddaa in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood aysan weli ka soo bixin caadadii ay ku dumin lahaayeen dowlad aysan ka tirsaneyn”.
Islow ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay baaq toos ah oo uu u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka dalbaday inuu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa hanaan doorasho oo loo dhan yahay. Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la gaaro dowlad goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland oo ka soo horjeestay qorshaha dowladda Federaalka ay wado.

“Madaxweynaha waxaa laga sugayaa inuu dib ula falgalo maamul goboleedyada dib u dhigay, kana shaqeeyo sidii doorasho la isku raacsan yahay” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here