Askar ka tirsan Midowga Afrika oo lagu dilay weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay soo qaadeen.

0
27

Labo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa ku dhintay mid saddexaadna waa uu ku dhaawacmay weerar hoobiye ah oo ay Al-Shabaab Axaddii ku qaadeen saldhigga ay ku leeyihiin xayndaabka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo saaray Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ahna Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamed El-Amine Souef ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday xarunta loo yaqaano Xerada Xalane.

Waxaa la rumeysan yahay in gantaal 107mm ah loo adeegsaday weerarka. Ugu yaraan afar xabo oo hoobiyaal ah ayaa la sheegay in lagu tuuray intii uu socday weerarka.

“Weerarka bahalnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya inaan raadinno nabad waarta iyo Soomaaliya,” Souef ayaa ku yiri bayaanka la soo dhigay X, oo hore u ahaan jirtay Twitter. “Waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay uga go’an tahay la dagaalanka argagixisanimada iyo inaan dhisno Soomaaliya nabad iyo barwaaqo.”

War-saxaafadeedka laguma sheegin dalalka ay u dhasheen askarta la dilay, balse sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ayaa u sheegay VOA-da ee Geeska Afrika in askarta la dilay iyo hal askari ee dhaawacmay ay u dhasheen Uganda.
“ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada kuwii naftooda ku waayey waxayna u rajeyneysaa soo kabasho degdeg ah kuwa ku dhaawacmay weerarka,” ayuu yiri Souef.

Kooxda hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa markii dambe booqday goobihii ay qaraxyada ka dhaceen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

War qoraal ah oo ay kooxdu soo dhigtay mid ka mid ah mareegaha ay ku leedahay Internetka ayay ku sheegtay in madaafiicda ay ku dileen “Saraakiil caddaan iyo madow ah.”

Inkastoo sanadkii 2011-kii laga saaray magaalada Muqdisho, haddana kooxdan ayaa xilliyada qaar waxa ay u suurtagashay in ay weeraro hoobiyeyaal ah ku garaacaan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saldhig u ah Midowga Afrika iyo sidoo kale qaar ka mid ah safaaradaha shisheeye.

Madaafiicda Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay la beegsadeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo ay ku naf waayeen dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here