Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Turkiga oo ku burburtay tuulo ay maamulaan Al-Shabaab.

0
28

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drone-ka oo lagu farsameeyay dalka Turkiga, kuna hubeysnaa gantaallo ayaa lagu soo warramayaa in ay ku soo dhacday deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay maamulaan Al-Shabaab sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Diyaarada aan duuliyaha laheyn ayaa kusoo dhacday meel qiyaastii 130 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhanka degmada Qoryooley. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay si deg deg ah u sugeen amaanka goobta ay diyaarada ku dhacday, iyagoo ku xiray laamo geedo ah si ay uga qariyaan diyaarada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga oo ku aadan dhacdadan, iyadoo aan la ogeyn in diyaaradan ay qeyb ka tahay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ah koox ka talisa dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda diyaaraddan aan duuliyaha lahayn, haddana wararka ayaa sheegaya in laga yaabo inay ku lug lahayd beegsiga goobaha ay Al-shabaab ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here