Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka oo ku heshiiyey Qodobo Muhiim ah oo ay iska kaashanayaan.

0
27

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Berlin kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Jarmalka Olaf Scholz, iyagoo wada gaaray heshiisyo dhowr ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dal.

Wadahadalka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hindisaha cimilada, horumarinta dhaqaalaha, iyo taageerada dhanka amniga ee Soomaaliya oo isku diyaarineysa in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda ka dib dhammaadka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Mid ka mid ah heshiiska muhiimka ah ee labada mas’uul ayaa la sheegay in uu ku lug lahaa sida ay Jarmalku uga go’an tahay in uu taageero tababar iyo tayayn u fidiyo booliiska Soomaaliya, si loo hubiyo in ay si wanaagsan u qalabaysan yihiin si ay u daboolaan baahiyaha amni ee dalka ka jira.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira dadaallada dowlad dhisidda ee Soomaaliya, iyagoo hoosta ka xariiqay in Jarmalku uu ka taageerayo hindisayaashan.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Jarmalka, gaar ahaan kuwa aan helin sharciga deganaanshaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay fududeyn doonto in si iskood ah ay dalka ugu soo laabtaan shaqsiyaadkaasi, iyadoo labada dowladood ay iska kaashanayaan sidii dadka doonaya in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya si habsami leh ay ugu laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here