Ciidanka NISA ee Soomaaliya oo gacanta ku dhigay labo nin oo ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay weeraro.

0
27

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay laba ruux oo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, ka dib hawlgalo dheeraad ah oo ay ku baadigoobayeen xog uruurintooda, oo ay ku beegsanayeen dadka rayidka ah.

Dadka la xiray ayaa waxaa ka mid ah Sakariye oo magaciisa lagu sheegay Saciid C/llaahi Sulsul oo la sheegay in uu sahamin ka sameyn jiray weerarada iyo C/llaahi Axmed Xasan oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay in uu qiyaamay xilkii uu hayay isagoo la shaqeynayay kooxda nabad diidka ah. Sida laga soo xigtay NISA, labada qof ee la tuhunsanaa waxay ururinayeen xog muhiim ah oo ku saabsan meelaha rayidka ah ee loo qorsheeyay inay rabshado ka dhacaan.

Wakaaladdu waxa ay intaa ku dartay in labada eedeysane ay qirteen in ay ku lug lahaayeen abaabulka weeraro, waxa ayna qirteen doorkii ay ku lahaayeen howlgaladii hore ee dadka rayidka ah lagu waxyeeleeyay.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkan uu muujinayo habka firfircoon ee ay hay’addu u waddo burburinta shabakadaha xagjirka ah, sugidda amniga guud iyo sugidda amniga qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here