Diyaarad Drone ah oo aan duuliyaha laheyn oo duqeymo ka geysatay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

0
25

Wararka ka imaanaya Koonfurta Mudug ee ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in diyaarado aan duuliye lahayn ay duqeyn cirka ah Jimcihii ka fuliyeen deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Duqeynta ayaa lagu soo waramayaa in ay barbar socdeen howlgalo dhulka ah oo ay hogaaminayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo kaashanaya ciidamo deegaanka ah oo abaabulan oo loo yaqaano Macawisley oo lagu bartilmaameedsaday deegaano ku xeeran deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali faah faahin ka bixin howlgalladaasi. Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha howlgalka ka wada Koonfurta Mudug ee Galmudug, ayaa sheegay in duqeymahaasi lala beegsaday fariisimo gaar ah oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada AS.

Bilihii la soo dhaafay, howlgallada ka dhanka ah “AS” ayaa sii xoogeystay, iyadoo la isku daray duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa dhulka, waxaana iska kaashaday ciidamada dowladda Federaalka, kuwa nabad sugidda Galmudug, iyo ciidamo deegaanka ah oo abaabulan oo loo yaqaan Macawisley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here