Taliyaha booliiska Soomaaliya oo la kulmay saraakiisha FBI-da.

0
27

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal lagu dhiirigelinayo laguna tayeynayo aqoonta ciidamada Booliska kadib kulan dhexmaray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi iyo khubaro ka socotay Hay’adda FBI-da Mareykanka.

Arrintan ayaa timid kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ku saabsanaa sidii FBI-da ay uga qeyb qaadan laheyd tababarida ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo sidii loo qalabeyn lahaa xirfado casri ah.

Tani waxay gacan ka geysaneysaa sidii kor loogu qaadi lahaa dib u habeynta booliiska, iyadoo Gen Abdullahi uu ku ammaanay sida xooggan ay uga go’an tahay horumarinta iyo casriyeynta howlgallada booliiska.

Saraakiisha Booqashada ayaa dhankooda sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin dardar gelinta iyo dib u habeynta lagu sameynayo howlaha shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wafdiga ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay u leedahay iskaashigooda la dagaalanka argagixisada.

FBI-da ayaa saaxiib muhiim ah u ahayd maamulada Soomaalida ee dagaalka kula jira argagixisada, waxayna taageero muhiim ah u fidisay mid la mid ah.

Bishii Oktoobar, 2024, Jeneraal Cabdullaahi wuxuu kaloo la kulmay Korneyl David Haskell, Taliyaha Howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya.

Wada sheekeysiga inta uu socday kulankooda ayaa diiradda lagu saaray qorshayaal lagu tababarayo Booliska Soomaaliyeed.
Waxa ay sidoo kale ka wadahadleen sidii loola dagaalami lahaa kooxda Al-Shabaab iyo arrimo kale oo muhiim u ah amniga.

Korneyl Haskell ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay taageerada ciidamada booliiska iyo kor u qaadida guud ahaan xasiloonida amniga Soomaaliya.

General C/llaahi ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed 26-kii Sebtembar 2024-kii, waxaana uu xilkaasi la wareegay afar maalmood kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta Booliska ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu xilka kala wareegay Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Markii uu xilka la wareegay, Jeneraal Cabdullaahi waxa uu qaaday tallaabooyin amni oo cusub, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsanayo caasimadda Muqdisho.
Wuxuu sidoo kale isbedel ku sameeyay saraakiisha ugu sareysa degmooyinka kala duwan si kor loogu qaado hufnaanta sugidda amniga dalka oo ay in muddo ah ragaadiyeen caqabado loo aaneynayo joogitaanka xooggan ee Al-Shabaab.

Ka hor inta uusan xilkan hadda qaban, Jeneraal Cabdullaahi waxa uu muddo dhowr sano ah soo noqday Agaasimaha Guud ee Ciidanka Birmadka Puntland (PSF).

Sanadkan 2019-ka waxa uu u tartamay xilka Madaxtinimada Maamulka Puntland,isagoona kaalinta labaad ka galay Saciid Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here