Madaxweyne Deni oo Iftiimiyey Guulaha Horumarineed ee ay Puntland gaartay Daah-furay Qorshaha Shanta Sano ee Cusub.

0
27

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb-galay daah-furka qorshaha horumarinta dowlad-goboleedka Puntland ee shanta sano ee soo socota, kaasoo ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Qorshahan ayaa ujeedadiisu tahay in lagu hago horumarka Puntland shanta sano ee soo socota.

Madaxweyne Deni ayaa intii uu khudbadda jeedinayey waxa uu bogaadiyey guulihii laga gaarey shantii sano ee la soo dhaafey, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey ujeedooyinka cusub ee ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay sida ay Puntland uga go’an tahay dimuqraadiyadda iyo waxbarashada.

“Dowladdu waxay dabooshay 80% kharashaadka la xiriira dimuqraadiyadda,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabkaba ay wadaagaan mas’uuliyadda dhaqaale ee waxbarashada, iyadoo mid walba uu ku darsaday 80% dhaqaalaha lagama maarmaanka ah. Waxa jira dhismayaal iyo meelo kooban oo aanu taageero ka helno, laakiin guud ahaan, kharashaadka si wada jir ah ayaa loo daboolay. Ayuu yidhi Deni

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, Hay’ado caalami ah, Wakiilo ka socday Bulshada Rayidka ah, Khubaro dhanka qorsheynta ah, la taliyayaal iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here