Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadaneysa uga bilaabatay magaalada London.

0
26

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadatay ku tagay maanta oo Talaado ah magaalada London, ka dib casuumaad uu ka helay Baarlamaanka UK.

Hogaamiyayaasha ayaa tilmaamay in howlgalkan diblomaasiyadeed uu yahay mid sare loogu qaadayo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK, taasi oo ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya, socdaalka guddoomiye Madoobe ayaa hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado istaraatiijiyad ku aaddan arrimaha labada dal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa inta uu joogo waxaa la filayaa in uu kulamo la yeesho xubnaha ugu muhiimsan baarlamaanka Britain oo uu ku jiro dhiggiisa, si uu u sahmiyo qaababka loo kordhin karo iskaashiga, isaga oo diiradda saaraya dhinacyada ammaanka, maamulka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Booqashadan ayaa daba socota dadaalladii ugu dambeeyay ee labada dowladood ay ku xoojinayeen xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan dhaqaale, iyadoo UK ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyada caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo la dagaalanka argagixisada.

Booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay sii xoojiso iskaashigan, si loo kobciyo mustaqbal wadashaqeyn oo dhexmara Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here