Ugu yaraan 14 qof oo ku dhimatay kadib markii uu bas ku dhacay wabiga Indus ee waqooyiga Pakistan.

0
26

Ugu yaraan 14 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen tiro intaas ka badana waa la la’yahay waxaana loo malaynayaa in ay dhinteen ka dib markii uu shil bas ah ku galay wabiga Indus ee waqooyiga Pakistan, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Darawalka ayaa lumiyay xakameynta gaariga markii uu ku socday xawaare sare, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maamulka gobolka Gilgit Baltistan, halkaasoo shilku uu ka dhacay Talaadadii.

Baska ayaa waxaa la socday ku dhawaad ​​labaatan qof oo ka mid ahaa dadkii arooska ka qeyb galayay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Lama xaqiijin tirada dhimashada, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in tirada dhimashada ay gaareyso 26 qof.

Kooxaha gurmadka ayaa horay uga soo saaray wabiga 13 qof oo meyd ah, halka 12 qof oo rakaab ah ay wali maqan yihiin, waxaana loo maleynayaa in aysan ka bad badin shilkaas, sababo la xiriira qabowga deegaanka, sida uu sheegay wargeyska Dawn ee Pakistan.

Aroosadii ayaa ka badbaaday shilkaasi, waxaana loo qaaday isbitaalka, balse markii dambe ayay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray, sida uu qoray wargeyska Dawn.

Basku wuxuu ku sii jeeday Chakwal, oo ah magaalo ku taal gobolka Punjab ee Pakistan, markii uu ka baxay waddada oo uu webiga ka soo galay buundada Telchi ee degmada Diamer abbaaraha 1pm wakhtiga maxalliga ah (08:00 GMT), sida uu sheegay wariyaha maxalliga ah ee Geo.

Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dhimashada qaaliga ah ee shilkaasi ku dhintay isaga oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada ee X.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay “baahida loo qabo in la dedejiyo” hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta kuwa aan weli la helin.
Shilalka waddooyinka ee dilaaga ah ayaa ku badan Pakistan, iyadoo 9,000 oo shil laga soo sheegay waddooyinka dalkaas celcelis ahaan sannadkii, taasoo keentay in ka badan 5,000 oo dhimasho ah, sida uu sheegay Xafiiska Tirakoobka Pakistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here