Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa UK si uu uga wadahadlo hannaanka dimuqraadiyadda.

0
29

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Madoobe, ayaa maanta Aqalka Baarlamaanka ee Magaalada London kula kulmay Sir Lindsay Hoyle oo ah Guddoomiyaha Aqalka Baarlamaanka UK.

Iyada oo qayb ka ah booqashadiisa rasmiga ah, wadahadalladii Madoobe iyo Hoyle ayaa ahaa mid ku qotoma xoojinta dowladnimada dimoqraadiga ah ee Soomaaliya iyada oo la isweydaarsanayo habka ugu habboon iyo agabka.

Kulanka ayaa lagu muujiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, iyadoo labada mas’uul ay ku nuux-nuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in baarlamaanka ay iska kaashadaan hadafyada la wadaago. Wadahadalkooda ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha hab-dhaqanka baarlamaanka UK loo waafajin karo si kor loogu qaado hababka sharci-dejinta iyo kormeerka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee UK ay ka geysaneyso horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay inay muhiim tahay in la is dhaafsado aqoonta dowladnimada, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta. “Xoojinta hay’adaha dimoqraadiyada ayaa muhiim u ah horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri Madoobe. “Waxaan qiimeyneynaa fikradaha UK inta aan ka shaqeyneyno inaan dhisno bulsho xasilloon oo dimuqraadi ah.”

Sir Lindsay Hoyle waxa uu xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay UK inay taageerto socdaalka dimuquraadiyadda ee Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuuxsaday in wada-shaqeynta hab-raaca baarlamaanka ay gacan ka geysan karto wax ka qabashada caqabadaha Soomaaliya ka haysta dhanka maamulka iyo horumarinta sharci-dejinta. Hoyle ayaa bogaadiyay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii ay kor ugu qaadi lahayd awooddeeda hay’addeed, waxaana uu xusay doorka ay baarlamaannada xooggan, ee sida wanaagsan u shaqeynaya ay ka ciyaaraan abuurista dimuqraadiyad xasilloon.

Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay sii socoshada iskaashiga labada dowladood si loo kobciyo xasilloonida, kobaca dimoqraadiyadda, iyo dowlad wanaaga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here