Turkiga iyo Masar oo ka wada hadlay xaaladda Afrika iyadoo uu weli taagan yahay muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

0
28

Mas’uuliyiinta Turkiga iyo Masar ayaa yeeshay laba wareeg oo wada-hadallo ah oo ku saabsan Afrika iyo Liibiya, iyadoo tani ay muujinayso isu soo dhawaanshaha labada dal ee horay colaadaha u dhexeeyo iyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa barteeda Facebook-ga ku sheegtay in wada-hadalladaas diiradda lagu saaray arrimaha Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Wadahadalladan ayaa waxaa hoggaaminayay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika Ihab Cawad iyo Elif Ulgen oo ah agaasimaha guud ee bariga iyo koonfurta Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka gaareen heshiis iyo isfaham ku saabsan “qaababka loo ilaalin karo ammaanka iyo xasilloonida” gobolka Geeska Afrika, taasoo u ogolaanaysa “dib u soo celinta maraakiibta” ee heerarka caadiga ah ee Badda Cas.

Waxa ay intaasi ku dartay in Turkiga iyo Masar ay “xoojin doonaan iskaashiga heerar kala duwan si ay u gaaraan hadafkooda guud ee Geeska Afrika iyo Badda Cas”, iyagoo dhinaca kale ka taageeraya Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan “la-dagaalanka argagixisada” iyo dhismaha ciidankeeda qaranka.

Dhanka Liibiya, labada dal waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-tashiyada iyo isdhaafsiga fikradaha si loo gaaro “danta dadka walaalaha ah ee Liibiya”.

Masar iyo Turkiga ayaa taageeray dhinacyada iska soo horjeeda ee isku haya Liibiya, iyadoo Qaahira ay taageerto ciidamada xoogga ah ee fadhigiisu yahay bariga ee Khalifa Haftar, Turkiga ayaa taageero xooggan siiya maamullada fadhigoodu yahay caasimadda Tripoli.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga iyo Masar labaduba waxay taageero u fidiyeen Soomaaliya, iyadoo Ankara ay bishii February la saxiixatay dowladda Soomaaliya heshiis taariikhi ah oo dhanka difaaca ah kaasoo uu Turkigu ku ilaalinayo oo uu difaaci doono badda Soomaaliya.
Masar ayaa sidoo kale Soomaaliya la saxiixatay baratakoolka iskaashiga milateri, kaas oo dhigaya in ciidamada Masar la geeyo dalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Afrikaanka ah.

Talaabadan Masar ay qaaday ayaa dad badan rumeysan yihiin inay ku wajahan tahay Itoobiya oo Soomaaliya ku eedeysay inay faragelin ku heyso arrimaheeda gudaha, kaddib heshiiskii badda ee Addis Ababa iyo maamulka Somaliland ka goostay.

Masar waxa ay Itoobiya kula jirtaa muran muddo dheer soo jiitamayay oo ku saabsan biyo-xidheenka weyn ee Wabiga Niil, kaas oo Masar ay ka cabsi qabto in ay ka diiddo biyaha nolosha.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa booqday Turkiga bishii September ee la soo dhaafay, isagoo la kulmay dhiggiisa Recep Tayyip Erdogan ka dib toban sano oo colaad ah.

Erdogan ayaa hore si cadho leh u cambaareeyay afgambigii Sisi ee 2013-kii ee ka dhanka ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto Masar, Maxamed Mursi, iyo caburintiisa uu ku hayo dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin.

Horaantii sanadkan ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Turkiga laga yaabo in uu dhex dhexaadiyo khilaafka Masar iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here