Itoobiya Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyaysay Doorashadii Nabadda Iyo Dimuqraadiyadda ahayd.

0
26

Wasaaradda Arrimaha Debedda Itoobiya ayaa shacabka Somaliland ku hambalyaynaysaa sidii ay u dhacday si nabad ah oo dimuqraadi ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qabashada doorashooyinkani ay ka turjumayaan qaangaadhnimada dowladnimada Somaliland iyo dimuquraadiyadeeda.

“Nidaamkani waxa uu ka turjumayaa qaangaadhnimada dowladnimada Somaliland iyo nidaamkeeda dimuquraadiyadeed” ayay warbixinta wasaarada arrimaha dibadu sii raacisay.

Wasaaraddu waxa kale oo ay ammaan u soo jeedinaysaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland sida ay u qabsoontay doorasho xor iyo xalaal ah.

Goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada kormeerayay ayaa ayaguna dhankooda sheegay in doorashooyinku ay u dhaceen si cadaalad ah oo hufan, isla markaana loo bahanyahay in natiijada la aqbalo.

Wali waxa socota tirinta codadka ay shacabku dhiibteen waxaana natiijada guud lagu dhawaaqi doonaa maalinta Khamiista ee 21 November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here