Madaxweynihii hore ee Somaliland oo Hargeysa ku geeriyooday.

0
27

magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland Waxaa ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa u geeriyooday xanuun mudooyinkii dambe hayay waxaana geeridiisa xaqiijiyay xubno eheladiisa kamid ah.

Masuuliyiin siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida caawa ku timid Madaxweyne Siilaanyo waxa ayna ku sifeeyeen hoggaamiye wax gal ahaa oo wax badan usoo qabtay bulshada Somaliland.

Geerida Madaxweyne hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kusoo aadeysa xilli Somaliland 13kii bishan ka qabsoontay doorashada Madaxweynaha iyo tan xisbiyadda waxaana la wada sugayaa natiijada doorasha dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here