Marxaladda labaad ee tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota.

0
26

Tirinta codadka doorashada isku dhafka ah ee ka dhacday Somaliland 13-kii bishan ayaa gashay heerkii labaad. Marxaladan waxaa loogu talagalay in lagu fududeeyo habka tirinta iyo bixinta natiijooyinka kama dambaysta ah ee codadka la dhiibtay.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey inay guddi ahaan ka go’an tahay gudashada waajibaadka ka saaran maaraynta doorashooyinka.

Waxa uu sidoo kale digniin cusub ka soo saaray wararka mala-awaalka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyay in wararkaas ay keeni karaan qalalaase iyo saameyn shacabka, taasoo saameyn ku yeelan karta natiijada la sugayo.

Laamaha amaanka Somaliland ayaa la faray inay ka feejignaadaan fal kasta oo dib u dhigaya tirinta codadka, ku dhawaaqista natiijada, ama go’aaminta natiijada doorashada si looga hortago falal keeni kara rabshado.

Wararku waxa ay sheegayaan in ilaa hadda ay si habsami leh u socoto jawiga guud ee doorashada oo si weyn loo bogaadiyay, iyadoo kormeerayaasha heer degmo iyo heer gobol ay arkayeen sida habsamida leh ee goobaha codbixinta ay uga socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here