Dowladda Soomaaliya oo ciidamo geysay degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

0
28

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, kadib markii lagu guul dareystay waan-waanta lagu xalinayo xiisadda kala dhaxeysa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, sida ilo-wareedyadu ay xaqiijiyeen Sabtidii.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 43-aad ayaa fariisimo ka sameystay difaacyo, waxaana ay diyaarinayeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Si kastaba ha ahaatee, ciidamadan la dirayo ayaa lagu soo waramayaa in aysan horay ula socon maamulka Jubbaland, taasoo keeni karta in ay sii kordhiso xiisadaha taagan.

Wafdi ka socda Kenya ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Kismaayo. Wafdigan oo ay ka mid ahaayeen Xoghayihii hore ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin iyo Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa ujeedkoodu ahaa sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen khilaafka siyaasadeed.

Inkasta oo ay dedaallo sameeyeen, haddana ma jirin wax tanaasul ah oo la sameeyay, iyadoo labada dhinacba ay ku adkaysteen mowqifkooda. Madoobe ayaa horay uga baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socda magaalada Muqdisho, isagoo dalbaday in Puntland iyo SSC-Khaatumo ay ka wada hadlaan. Puntland ayaa wali qaadacday ka qeyb galka shirarka NCC ee ku aadan khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Ismari waaga ayaa muujinaya khilaafaadyo ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashada Soomaaliya. Madoobe ayaa u ololeynaya doorasho dadban, halka madaxda federaalka iyo saddex dowlad goboleed ay ku heshiiyeen in la hirgeliyo doorasho guud.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin ciidamada la keenayo iyo burburka ku yimid wadahadallada, balse goobjoogayaasha ayaa ka digaya in khilaafka sii kordhaya uu caqabad ku noqon karo dadaallada Qaran ee lagu xasilinayo dalka iyo hirgelinta isbedellada doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here