Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qayb-galeyso dalka Azerbaijan.

0
26

Waxaa ka furmay xarunta uu ka socdo shirweynaha caalamiga ah ee COP29 kal-fadhigii 3-aad ee shirka sanadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada Soomaaliya ay ka mid tahay ee loo doortay in uu ka hirgalo hindisaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay uu ku doonayo in digniinaha masiibooyinka lugu gaarsiiyo qofkasta sanadku markuu yahay 2027ka, (Early Warning for All – EW4ALL by 2027). Waxaa shirkan gudoominayay isla xoghayaha guud Antonio Guterres.

 

sidoo kale waxaa iyadana halkaas goob joog ka ahaa hay’adaha hogaanka u haya tiiraka uu ka koobanyahay hindisaha Early Warning for All (EW4ALL), ee kala ah UNDRR, WMO, ITU iyo IFRC.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo shirkaas lugu casuumay ayaa si gaar ah iyo si guud-ba warbixin ka siiyay halka uu marayo geedi-socodka hirgalinta hindisaha Early Warning for All (EW4ALL) ee Soomaaliya.

Bishii Oktobar 2023ka ayeey ahayd markii si rasmi ah Xukuumadda Jamhuuriyadda Fadaraalka ee Soomaaliya ugu magacawday hay’adda SoDMA in ay hogaamiso dhamaan hawlaha la xiriira hindisaha Early Warning for All (EW4ALL) ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here