Guddiga diyaarinta xeerarka doorashooyinka iyo Ururada oo kulan laqaatay qaar kamid ah Bulshada Rayidka ah.

0
34

Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah Magaaladda Muqdisho kula qaatay Ururada Bulshada rayidka,waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka iyo Xoghayaha Guddiga.

Sidoo kale, Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaayeen xubnaha kale ee Guddiga ayaa waxaa wakiilada matalayay ururada Bulshada rayidka looga talo gelinayay Akhrinta labaad ee hindisaha xeerka doorashooyinka Qaranka oo uu Guddiga gacanta ku haayo dhowaanna la filayo in la horgeeyo Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Dhanka kale, Xubnaha ka socday Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ayaa talooyinkooda ku biiriyay xeerkan,waxaana Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed uu sheegay in ujeedkoodu yahay si talooyinka iyo aragtida bulshada rayidka loogu daro xeerkan muhiimka u ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rajeynayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Sikastaba, Guddigan xildhibaannada labada Aqal u xil saareen diyaarinta xeerarka doorashooyinka iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo la qaataan dad kale oo muhiim ah, si ay talooyin wax ku ool ah uga qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here