Heshiiskii Dekada Itoobiya Oo Shaki Galay Xili Mucaaradku Ku Guuleysteen Codka Somaliland.

0
25

Hoggaamiye mucaarad ah ayaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday Somaliland, isagoo shaki geliyey in maamul-goboleedkaas uu ixtiraamayo heshiis u sahlaya Itoobiya inay saldhig milateri ka sameysato xeebaha gacanka Cadmeed.

C/raxmaan Maxamed C/laahi, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka ee loo yaqaanno Cirro, ayaa ku guuleystay ilaa 64% codadkii la dhiibtay 13-kii bishii November, halka Madaxweynaha hadda talada haya ee Muuse Biixi Cabdi uu helay 34%, sida ay muujinayso tirada rasmiga ah ee la shaaciyay Talaadadii.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo ka hadlayay natiijada doorashada oo maanta lagu qabtay caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in guddoomiye Cirro uu si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadaasi.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse waxay ku guul-darraysatay inay hesho aqoonsi ballaadhan oo caalami ah oo ay ka hesho waddan madaxbannaan.

Sida ku cad heshiis lagu dhawaaqay 1-dii Jannaayo, Somaliland waxay Addis Ababa siisay xuquuq ay ku yeelato saldhig ciidan iyo goobo ganacsi oo ku yaal xeebaheeda. Taas beddelkeeda, Somaliland waxay saami aan la cayimin ku yeelan doonta diyaaradda Ethiopian Airlines, oo ah diyaaradda ugu weyn qaaradda, halka dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan uu ka fiirsan doono inuu siiyo aqoonsi rasmi ah. Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu xadgudub ku yahay madax banaanida dhulkeeda.

Ballanqaadyadii Cirro ee ololaha doorashada waxa ka mid ahaa dib u soo noolaynta dhaqaalihii gobolka ee sii xumaanayey, soo celinta midnimada qaranka iyo ilaalinta xasiloonida siyaasadeed. Ma uusan cayimin in uu ixtiraami doono heshiiska dekedda.

Maamulka imaan doona ayaan wali arkin heshiiska is-afgaradka ah ee ay la galeen Itoobiya, waxaana ay u badan tahay in ay go’aan ka gaari doonaan arrintan marka uu xafiiska la wareego bartamihii bishii December, sida uu sheegay Mustafa Axmed oo ah wakiilka dowladda hadda talada haya. Waxa uu xusay in dhawr xubnood oo muhiim ah oo ka tirsan kooxda Cirro ay ka soo horjeedaan heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here