Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Qaaday Talaabadii Ugu Horaysay Ee Rasmiga Ah.

0
27

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Gobolka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee rasmi ah, isagoo la kulmay saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee maamulkaasi.

Madaxweyne Cirro ayaa kulan isbarasho ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland. dooda ayaa diirada lagu saaray arimaha amaanka ee gobolka.

Taliye Nuux iyo saraakiishii ka qeyb gashay ayaa madaxweynaha cusub ku soo dhaweeyay salaam sharafeed, waxa ayna uga warbixiyeen xaaladda amni ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro waxa uu kulan kale la qaatay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) iyo wefti saraakiil sarsare ah oo wehelinayey. Taliye Sawaaxili ayaa u hambalyeeyay hogaamiyaha cusub ee la doortay, wuxuuna ugu duceeyay in uu ku guuleeyo xilka culus ee loo igmaday.

Kulamadan ayaa ah mid bilow u ah dedaalka uu Cirro ku kacayo kadib guushii uu ka soo hooyey doorashadii dhawaan ka qabsoontay deegaanada Somaliland, halkaas oo uu kaga adkaaday madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Muuse Biixi.

Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa in dhawaan uu si rasmi ah xilka ula wareego. Khudbad uu jeediyay kadib guushiisa doorashada, waxa uu ku nuux-nuux saday in aysan dhici doonin xaflado lagu maamuusayo xuska baroordiiqda madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here