Safaaradda Mareykanka ee Kyiv oo loo xiray weerar dhanka cirka ah oo laga cabsi qabo.

0
30

Safaaradda Mareykanka ee Kyiv ayaa heshay macluumaadka ku saabsan weerarro xagga cirka ah oo muhiim ah Arbacada maanta ah, waxaana la xiri doonaa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

“Taxaddar badan awgeed, safaaradda waa la xirayaa, waxaana shaqaalaha safaaradda la farayaa in ay gabaad ka dhigtaan,” ayay waaxda ku tiri hadal lagu daabacay bogga safaaradda Mareykanka ee Kyiv.

“Safaarada Mareykanka waxay ku talineysaa muwaadiniinta Mareykanka inay u diyaar garoobaan inay si deg deg ah u hoydaan haddii ay dhacdo digniinta hawada lagu dhawaaqo.”

Digniintan ayaa timid maalin kadib markii Ukraine ay u adeegsatay gantaalada ATACMS ee Maraykanka si ay u garaacdo dhulka Ruushka, iyadoo ka faa’iidaysanaysa ogolaanshaha cusub ee la siiyay maamulka xilka kasii dagaya ee Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden maalintii 1,000aad ee dagaalka.

Ruushku waxa uu reer Galbeedka uga digayey muddo bilo ah in haddii Washington ay u ogolaato Ukrain in ay soo riddo gantaallada Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ee gudaha Ruushka, Moscow ay u tixgelin doonto xubnaha NATO inay si toos ah ugu lug leeyihiin dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa bishii Oktoobar sheegay in Moscow ay ka jawaabi doonto weerarrada Ukraine ee hubka uu Maraykanku ku sameeyay gudaha Ruushka.

Talaadadii, Putin ayaa hoos u dhigay marinka weerarrada Nukliyeerka isagoo ka jawaabaya weerarro badan oo caadi ah, iyadoo khatarta nukliyeerka ay sare u kacday iyada oo ay jirto xiisaddii ugu sarreysay ee u dhaxeysay Ruushka iyo Galbeedka in ka badan nus qarni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here