Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, ku ansixiyay in Dr. C/salaan C/raxmaan Maxamed loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa soo bandhigtay magacaabista Golaha Wasiirada si loo xoojiyo awooda tirakoobka iyo gorfaynta dalka.
Wasiirka Qorshaynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beenbeene ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ansixinta Golaha Wasiirada, isagoo ku nuux-nuux saday doorka muhiimka ah ee Xafiiskaasi ku leeyahay Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka.
“Waxaan Golaha Wasiirada uga mahadcelinayaa ansixinta Dr. C/salaan C/raxmaan Maxamed oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka, waxaan Alle uga baryayaa inuu ku guuleeyo xilka loo igmaday, korna u qaado awoodda Xafiiska ee taageeridda himilooyinka horumarineed ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beenbeene.
Dr. C/salaan ayaa horay u soo noqday la taliyaha dhanka dhaqaalaha ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda. Magacaabistiisa ayaa la filayaa in ay horumariso dadaalka dowladda ee ku aaddan horumarinta xog uruurinta iyo qorsheynta qaranka.