Madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale sheegay in ay ka go’an tahay in doorasho qof iyo cod ah la qabto sanadka 2026-ka.

0
28

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay go’aanka dowladda federaalka ah ee ku aaddan horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2026-ka.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu xusayay dhalashadii Boqorka Charles III oo Arbacadii lagu qabtay Muqdisho, ayaa Madaxweyne Maxamuud wuxuu carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee doorashooyinka dimuqraadiga ah ay ku leeyihiin xoojinta dowladnimada iyo kobcinta horumarka qaranka.

“Doorashooyinka waa tiirka ugu muhiimsan ee dimoqraadiyadda ee ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri. “Xukuumaddu waxay ka shaqaynaysaa sidii dadka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qayb-qaadan lahaayeen qaabaynta mustaqbalkooda, ayna u helaan xuquuq dastuuri ah oo ay ku dooranayaan cidda masiirkooda hoggaaminaysa.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyay saaxiibada caalamka in ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso in lagu gaaro xasillooni siyaasadeed, amni, iyo horumar waara inta lagu guda jiro xilligaan muhiimka ah.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah si aqlabiyad leh u ansixiyay sharciga aasaasiga ah ee nidaaminaya dhisidda iyo howlgallada xisbiyada iyo ururada siyaasadda. Sharcigan ayaa muhiim u ah u gudbida Soomaaliya ee nidaamka dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan.

Fadhiga wadajirka ah ee baarlamaanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa 177 xildhibaan oo ka mid ahaa 178 mudane oo soo xaadiray ayaa u codeeyay sharcigan, hal mudane ayaa ka aamusay mana jirin cid diiday, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here