Saaxiibada Caalamka oo ku baaqay in la qaboojiyo Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

0
28

Saaxiibada Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujiyay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya DFS iyo Jubbaland, kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan la soo gaba gabeeyay. War saxaafadeed ay soo saareen maanta ayay ku booriyeen dhammaan dhinacyada in ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah si loo xaliyo khilaafaadkooda, loogana fogaado xasilooni darro kale.

Baaqa ku baaqaya in xal laga gaaro khilaafka Jubaland ayaa kusoo aadaya xili Jubaland ay isku diyaarineyso doorashada dadban oo lagu dooranayo gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub. Saaxiibada caalamka ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay wada-hadallada iyo wada-shaqeynta, iyagoo ku boorriyay Jubaland inay dib ugu soo laabato NCC-da si looga wada hadlo arrimaha aan weli la xalin iyo inay dib u dhisto xiriirka ay la leedahay dowladda Federaalka.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Maamulka Jubbaland waxaa loogu baaqayaa in ay dib ugu soo laabato NCC si ay uga wadahadlaan dhammaan arrimaha taagan, iyo in la soo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay DFS. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay ka waantoobaan daandaansiga oo ay dib u galaan wadahadal furan ka hor inta aan la dhamaystirin wax kasta oo hab doorasho ah.”
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida ay saaxiibada caalamku uga go’an tahay ajendaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan rabitaanka doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxay ku baaqeen taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed si loo horumariyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay iyo in la hubiyo in waqtiyada loo qoondeeyay ay yihiin kuwo dhab ah, la gaari karo, oo ku habboon amniga iyo xasilloonida qaranka.

La-hawlgalayaashu waxay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay horumarka Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay in tallaabo kasta ama hab doorasho ay noqdaan kuwo loo dhan yahay oo si ballaaran loo aqbalo si loo ilaaliyo midnimada iyo nabadda dalka.

Bayaanka waxaa taageeray Isbaheysiga Saaxiibada Caalamiga ah, oo ay ku jiraan Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD iyo wakiillo ka socda dalal kale oo dhowr ah. iyo ururada.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay sii xoogeysatay xiisada ka dhalatay doorashada Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay sii xumeyso khilaafka kala dhaxeeya dowlada Federaalka. Kormeerayaashu waxay xuseen in dib u soo celinta wadahadalka iyada oo loo marayo NCC ay weli muhiim u tahay ilaalinta nabadda iyo horumarinta isbeddelka dimoqraadiga ah ee Soomaaliya.
Xiisadihii ugu dambeeyay ayaa walaac ka muujiyay daneeyayaasha caalamiga ah ee ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida iyo dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here