Xildhibaannada golaha wakiilada Jubbaland oo maanta dooranaaya guddoomiyaha golaha wakiilada

0
24

Waxaa saakay oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, ka dhacdo doorashada guddoonka golaha Wakiillada cusub ee maamulka Jubbaland, iyadoona haatan ay socoto qaban qaabada doorashada.

Sidoo kale, doorashada guddoonka golaha Wakiillada ayaa waxaa isku soo sharaxay dhoor musharax, waxaana lasii saadaalinayaa in ay doorashada kusoo baxaan musharaxiinta uu sida gaar ah u wato Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

Dhanka kale, qabashada xilka guddoomiyaha golaha Wakiillada Jubbaland waxaa isku diiwaangaliyay oo u taagan mar kale guddoomiyihii hore ee golahaasi Xildhibaan Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaa sidoo kale la tartamaya Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Keeroow.

Doorashada guddoonka golaha Wakiillada Jubbaland iyo tan Madaxweynaha maamulkaasi ayaana natiijadeeda waxa ay tahay mid lasii ogyahay ayna kusoo baxayaan guddoomiyihii hore ee golaha Wakiillada Cabdi Maxamed  iyo sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale la dooran doono.

Sikastaba, dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gabi ahaan sharcidarro aan la aqoonsan doonin ku tilmaantay doorashada ka dhaceysa Jubbaland, waxa ayna dowladda doorashaasi ku tilmaantay mid Axmed Madoobe kaligiis isku caano shubayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here