In ka badan 427,000 oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya 10-kii bilood ee ugu horreeyay 2024.

0
25

In ka badan 427,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya 10-kii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2024-ka, sida ay Talaadadii sheegtay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR).

Marka loo eego Shabakadda Ilaalinta iyo Xallinta ee UNHCR ay hoggaamiso (PSMN), heerka barakaca gudaha ee ka dhashay iskahorimaadyada iyo ammaan-darrada ayaa aad u kordhay bishii Oktoobar, iyadoo gobollada Gedo, Bay iyo Banaadir ee koonfurta Soomaaliya laga diiwaan geliyay tirada ugu badan ee dadka barokacay.

PSMN, oo dabagal ku samaynaysay is-beddellada barakaca gudaha 17-kii sano ee la soo dhaafay, ayaa diiwaangelisay ilaa 66,000 oo barokac gudaha ah bishii Oktoobar, kuwaas oo 50,000 ka mid ah loo aaneeyey colaado iyo nabadgelyo-xumo, halka 3,000 ay sabab u yihiin jahawareerka cimilada ee sida abaaraha iyo fatahaadaha, UNHCR ayaa ku sheegtay warbixinteeda shaqo ee laga soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay UNHCR, cunto, hoy, biyo, taageero hab-nololeedka iyo daryeelka caafimaadka ayaa ah baahiyaha ugu sarreeya ee qoysaska cusub.

Iyadoo lala kaashanayo maamulka iyo la-hawlgalayaasheeda, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay siisay gargaar muhiim ah oo ilaalin ah dadka gudaha ku barakacay ee nugul (IDPs) iyo bulshooyinka martida loo yahay ee ay saameeyeen iskahorimaadyada, amni-darrada iyo isbeddelka cimilada.

Hay’addu waxay sheegtay in sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga, magan-gelyo-doonka, qaxootiga soo laabanaya iyo barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya, ay weli tahay mid ka mid ah mudnaanta koowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here