Nin Xoolo dhaqatA ah oo lagu dilay Xadka Dowlad deegaanka Soomaalida uu la wadaago Galmudug.

0
14

Wararka ka imaanaya xadka Dowladda Deeganka Soomaalida uu la wadaago Galmudug ayaa sheegaya in maleeshiyo hubaysan ay nin xoolo dhaqato ku dileen kaddibna iskaga baxsaday goobta uu falka ka dhacay.

Dilkaan ayaa yimid ka dib markii marxuumka la dilay iyo maleeshiyada ay murmeen sidaane uu ku dhacay dilka.

Maleeshiyada ayaa la sheegay in ay horay u sii ka xeysteen xoolo uu haystay marxuumka la dilay.

Wararka qaar ayaa intaa ku daraya in laamaha ammaanka dowlad deegaanka ay tiro dad ah oo la qaraabo ah maleeshiyada dilka gaysatay ay xireen ayna baadi goobayaan sidoo kale maleeshiyada.

Ehelada marxuumka la dilay ayaa dalbaday caddaalad u helida wiilkooda ee la dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here