SSC-Khaatumo oo Puntland ku eedaysay inay duminayaan maamul goboleedka.

0
25

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay Puntland inay faragelin ku hayso maamulkeeda, taasoo xumaynaysa xiriirka labada maamul.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Qorsheynta Maamulka SSC-Khaatumo Axmed Diiriye ayaa sheegay in Wasiirka Qorsheynta Puntland Daa,uud Bisinle uu wado dadaalo uu ku doonayo in uu ku huriyo colaada ka dhex aloosan deegaanada Maamulkaas.

Diiriye ayaa ku dooday in hay’ado laga soo diray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe loo sheegay in ay mashaariic ka fuliyaan deegaanada SSC-Khaatumo iyadoo aan lagala tashan maamulka deegaanka. “Hay’ad kasta oo ka gudubta nidaamkayaga, iskuna dayda inay mashaariic ka fuliso deegaanada SSC-Khaatumo, tallaabo cad ayaanu ka qaadi doonnaa,” ayuu ka digay.

Wasiirka ayaa sidoo kale dhaliilay siyaasiyiinta SSC ee ka howlgala deegaanada Puntland, isagoo ku eedeeyay inay hormuud ka yihiin wax uu ku tilmaamay inay ku hagardaameynayaan maamulka SSC-Khaatumo.

Khilaafkan ayaa hoosta ka xarriiqay xurgufta ka dhex aloosan Puntland iyo SSC-Khaatumo, kuwaas oo weli caqabad ku ah dadaallada lagu dhiirigelinayo iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here