Madaxweynaha Soomaaliya Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay Doorasho Qof Iyo Cod Ah Oo Dalka Ka Dhacaysa.

0
27

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo in laga gudbo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga dalka. Waxa uu ku tilmaamay in wada-hadalku yahay dariiqa ugu muhiimsan ee lagu soo saari karo farqiga jira, laguna xoojinayo midnimada dalka.

Maxamuud waxa uu ku nuux-nuux saday in dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta wada-hadallada la doonayo in lagu soo dhaweeyo Somaliland qaab-qaran oo la wadaago.

Madaxweyne Maxamuud ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay wada xaajood loo dhan yahay oo wax dhisaya si horumar looga gaaro arrimaha isku xirka qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyay doorashadii dhawaan ka qabsoontay Somaliland, waxaanu ku tilmaamay inay tahay tusaale ku dayasho mudan oo keeni kara in dalka oo dhan laga sameeyo dhaqamo la mid ah. Wuxuu bogaadiyay hanaankan oo uu ku tilmaamay mid cadeyn u ah dowladnimada dimoqraadiga ah, isagoo rajo ka muujiyay in uu u noqon karo qorshe u gaar ah Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay suurta galnimada in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo cod ah. Wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay Dowladda Federaalka ugu heelan tahay inay ka baxdo nidaamka doorashada dadban, kaasoo lagu soo xuli jiray madaxda Soomaalida in ka badan labaatan sano, si loo helo hannaan codbixin oo toos ah oo loo wada dhan yahay.

Hogaamiyayaasha ayaa tilmaamay in hadalka Madaxweynaha uu ka tarjumayo aragtida ballaaran ee dowladda ee ku aaddan horumarinta dib u habeynta dimoqraadiyadda iyo dhismaha Soomaaliya mid ah oo xasilloon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here