Taliska Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ugu baaqay DF iyo Jubbaland inay xal u helaan khilaafkooda.

0
28

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (ATMIS) ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka iyo Jubbaland in xal laga gaaro khilaafkii ka dhashay doorashadii Jubbaland ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

War saxaafadeedka ay soo saartay ATMIS ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin khilaafka dowladda iyo Jubbaland, waxaana la sheegay in ATMIS ay aad u daneyneyso in la soo afjaro khilaafka.

ATMIS ayaa dhex dhexaad ka ah arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay qoraalkan, waxaana ay doonayaan in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho nabad ah.

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan dhinacyada ay khuseyso siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland in khilaafka u dhaxeeya ay ku dhameeyaan wada hadal iyo is afgarad.

Warka ka soo baxay ciidamada ATMIS-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin wararka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, sida qoraalka lagu sheegay, ee ah in qaar ka mid ah ciidamadooda booliis ah ee ku sugan magaalada Kismaayo ay qeyb ka yihiin doorashada ay dowladda diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here